𝐀𝐥𝐥𝐞 𝐦𝐮𝐱𝐮𝐮 𝐜𝐢𝐛𝐚𝐚𝐝𝐚𝐝𝐞𝐞𝐧𝐚 𝐤𝐮 𝐟𝐚𝐥𝐚𝐚?

 Hadii Alle yahay loo baahde aanan cidinaba u baahneeyn, ka adaane ahaan muxuu inoogu waajibiyey maalintii inaan dukano shan salaadood, sanadiina 1 bil inaan soono, muxuu u rabaa inaan seko bixino, misane aan soo xajinno, oo maxuu Alle ku falayaa cibaadadeena?
Maqaalkeenaan waxaan uga jawaabeeynaa su'aalaha kor ku xusan ee soo dhawaaw saaxiib!.

Waxaa ka mid ah 99 magac ee Alle SWT, magacayada kala ah Al-samad ”Loo baahde aanan cidina u baahneyn”, Al-Qani ”Deeqtoone”, Al-qawiyu”Awood badane”, "Al-ladiif ”Dhimrin iyo naxariis badane”, "Al-xakiim" Xikmad baddane aqoon durugsan u leh arimaha qarsoon iyo kuwa muuqdaba, oo Alle swt waa arin waliba dhige meesha ku haboon in la dhigo, waana mid xikmad iyo ujeedo la’aan aanan waxba qaban, uun kiisana ma faro ineey qabtaan wax aanan hiigsi iyo hadaf toona laheyn, isaga ayaana ku cilmi leh waliba si qoto dheer wax waliba.

Hadaba, Allihii sifooyinkaas oo dhan u sugnaatay waxa uu inagu waajibiyey inaan caabudno isaga oo kaliya, Haa dabcan, isaga oo kaliya inaan caabudno ayuu inagu waajibiyey, se cibaadadaasi ma’ahan mid uu Alle swt la rabo naftiisa ee waa cibaado uu la rabo nafteena!

Salaad, soon, Sako, Xaj, sadaqo, dhamaan cibaadada aynu sameeyno ma’ahan mid uu alle rabo ee waa mid aan inaga rabno.

Oo cibaadada asalkeeduba waa fitro inagu beeran ka aadane ahaan, oo xita qofka gaalka ah wax ayuu iska sameeyaa, oo qaar ayaa caabudo dayaxa, dhagxaanta, amaba lo’da, se qof waliba had iyo jeer waxa uu raadinayaa xasilooni gudeed, oo sida uu jirkeena u rabo cunto iyo biyo, ayeey ruuxdeenuna u rabtaa cibaado,

Waxaa jiro cilmi baarisyo badan oo daaha ka rogaya in cibaadadu eey yareeso stresska, walaaca iyo diiqada uu qofka gudaha ka dareemaayo, xita waxaaba si gaar ah loogula dardaarmaa madaxda sare ee shirkadaha ka shaqeeya ineey cibaadada badsadaan, waayo cibaadadu waxeey qofka ka caawineeysa inuu yeesho hiigsi fog, cibaadadu waxay xoojisaa kalsoonida nafta, qofku kolka uu noqdo rajo la’aan, cibaadadu waxeey siisaa rajo tira-beel ah, qofka oo jaabkiisa gacanta galiyo deedna la baxaa sadaqo waxeey qofka u horseedaa farxad aan dhamaad laheyn.

xiriirka ka dhaxeeyaa 𝐜𝐢𝐛𝐚𝐚𝐝𝐚𝐝𝐚 𝐢𝐲𝐨 𝐜𝐚𝐚𝐟𝐢𝐦𝐚𝐚𝐝𝐤𝐚 waa ka gu’ weeyn yahay misane ka mug balaaran yahay xiriirka ka dhaxeeyaa 𝐝𝐚𝐝𝐤𝐚 𝐢𝐲𝐨 𝐝𝐚𝐛𝐞𝐞𝐜𝐚𝐝𝐚, 𝐝𝐡𝐢𝐫𝐭𝐚 𝐢𝐲𝐨 𝐱𝐨𝐨𝐥𝐚𝐡𝐚, 𝐫𝐨𝐨𝐛𝐤𝐚 𝐢𝐲𝐨 𝐫𝐞𝐞𝐬𝐤𝐚, 𝐥𝐚𝐜𝐚𝐠𝐭𝐚 𝐢𝐲𝐨 𝐟𝐚𝐫𝐱𝐚𝐝𝐚.

qofku hadii uunan cibaadeysanin, misane uunan duceysanin, oo aynan wanaag iyo xumaan u kala saarneen waxa uu dareemayaa firaaq iyo daganaasho la’aan gudaha ah, noloshana ciriiri ayeey ku noqotaa, waxa uu noqdaa qof yaxyax badan, laabtiisana waxaa buux dhaafiyo ciriiri fara badan, waana sababta ay had iyo jeer kuwa badan oo taajiriin ah isku dilaan ka dib kolkeey waayaan daganaasho gudeed.

Bal aan idiin xasuusiyo sheekadii Ayan Hirsi Ali, oo ah gabar qoraa soomaali Ameerikaan ah, 11 kii November sanadii 2023kii, waxeey daabacday qoraal aad u dheer, oo eey ku soo koobeeysay sooyaalkeedii diimeed, waxeeyna sheegtay ineey asal ahaan kasoo jeedo reer ku adadag diinta islaamka, se waxeey diinta islaamka uga baxday cabsida eey ka qabto naarta, cadaabta iyo waliba dhimashada, waxeeyna raadisay hiraal cusub oo eey ka heli karto daganaasho nafeed, waxeeyna dooratay Allekoodnimo, se mudo 20 sano ah oo eey Alle kood aheyd 1- habeen xita xasilooni gudeed ma aynan helin, deedna waxeey 20 sano ka dib qaadatay diinta kirishtaanka iyadoona ku andacootay ineey la dhacsan tahay ilbaxnimada reer galbeedka, se waxeey hilmaamsan tahay in maskaxdii ka danbeeysay ilbaxnimada reer galbeedka ayeey ahaayeen muslimiin heeysta diinta islaamka, waxaana hadalkeedaas laga dheehan karaa hadii eey manta burburto ilbaxnimada reer galbeedka una soo wareegto ilbaxnimadaasi muslimiinta, ineey kasoo baxeeyso diinta kirishtaanka had iyo jeerna eey raaceeyso hirka ilbaxnimada halka uu u caariyo.

Sidoo kale, cibaadada qofka ayeey muhiim u tahay ee Alle swt muhiim uma ahan waayo cibaadadu waxeey qofka ka badbaadisaa inuu hawadiisa raaco amaba uu sheeydaan u noqdo adoon, waana ognahay dhaartii uu sheeydaan Alle hortiisa ka dhartay oo waa tii uu yiri ”Waxaan uga imaandoonaa uunkaaga Allow, horay iyo gadaal, midig iyo bidix, mana heli doontid kuwa badan oo adiga kugu shukriyaa”suuratul acraaf, ayaada 17aad.

Sidoo kale, cibaadadu waxeey ka badbaadisaa qofka inuu lacagta adoon u noqdo, nabigana NNKh waa tii uu lahaa “waxaa hoog u sugnaaday qofkii dirham iyo diinaar addoon u noqdaa”.

Waxeey kaloo cibaadadu ka badbaadisaa qofka, inuu u noqdo adoon qofkale, oo waad wada taqaanaan oraahdii caanka aheyd ee Ribciyi ibn Caamir uu ku yiri hogaamiyihii furus ee la odhan jiray Rustam, ka dib kolkii uu weeydiiyey, war maxaa idiin soo saaray Ribciyoow, Ribciyi waa tii uu ku jawaabay “Alle ayaa ina soo saaray si aan uga saarno adoomanka ineey caabudaan adoomo kale, uguna yeerno cibaadada Allaha xaqa ah, sidoo kale waxaa inaloo soosaaray si aan dadka uga ka xeeno ciriiriga aduun, ugunu ka xeeyno baraaraha iyo barwaaqadeeda”.

hada ogoow hadalkaasi qofka leh waa nin isaga iyo asaagiisaba ay ahaan jireen kuwa caabudo asnaam, qamrigana agtooda waxa uu ka ahaay biyo, caruurta dumarka ah oo ee dhalaana nolosha ayeey ku duugi jireen, se waxaa yimid islaamka waxa uuna kasoo saaray mugdigaasi iyagoona lagu carbiyey cibaado, ilaa eey ruuxdoodu sal dhigatay daganaasho iyo baraaro oo waaba midii sababtay inuu Ribciyi hogaamiyihii reer furus ugu yeero diinta islaamka.

Bal aan ku weeydiiyee cibaadadii eey la yimaadeen dhalinyartaasi qaadatay diinta islaamka ma Alle swt ayeey wax tartay mise nafafkooda, dabcan waxa eey wax tartay nafafkooda, oo waa midii sababtay ineey caalamka wax ka badalaan ka dib kolkeey naftooda wax ka badaleen.

Dhab ahaantii, cibaadadu kaliya ma’ahan xuriyad iyo xasilooni ee sidoo kale waa sareeysiin iyo darajo uu ku galado Alle swt adoomankiisa, oo waatii uu Alle swt xadiisul qudsi uu ku yiri: ”Anigu waxaan ahay adoonkeyga malahiisa, kolka uu I xusayana la jirkiisa ayaan ahay, hadii uu naftiisa igu xuso, waxaa ku xusayaa nafteeyda, hadii uu igu xuso qolo dhexdeeda, waxaan ku xusayaa qoladaasi qolo ka kheyr badan dhexdeeda, Hadii uu isoo dhawaado taako, waxaan u dhawaanayaa dhudhun, hadii uu dhudhun isoo dhawaadana waxaa usoo dhawaanayaa baac, hadii uu ii yimaado isaga oo soconaayo, waxaan u tagayaa aniga oo rucleeynaya”, hada ogoow daawade, oraahdi gilgileysaa qalbiga qof waliba ee maqlaa, waxaa dhahay Allaha koownkaan oo dhan iska leh.

Sidoo kale, hadii uu alle swt uu qof jeclaadaa, waxaa uu u yeeraa jibriil waxa uuna ku yiraahdaa jibriiloow, hebal ayaan jeclaaday, ee adna jecloow, ka dibna waxaa jibriil lagu amraa inuu jaceeylka qofkaasi uu ku faafiyo aduunka dadka jooga oo dhan dhexdooda. Hada ogoow darajadaasi qofka waxaa gaarsiiya cibaadada oo uu ku dadaallo oo markale ayeey cibaadadu adigu ku anfaceeysaa.

Hadii aynu soo qaadano tusaale lawada fahmi karana, bal kawaran hadii uu qof bukaan ah uu u tago dr, deedna uu u calaacalo una sheegto dhibtiisa, diktoorkiina uu 4 xabo kaniini ah uu u qoro bukaankii, deedna uu isla bukaankii kolka uu gurigiisa yimaado uu yiraahdo ani ma cunaayo kaniinigaan waayo inaan cuno kaniinigaan waxba uma tareeyso diktoorka, hadalkaasi ma caqli galbaa? Oo asalka daawadaasi ma waxaa loogu talagalay bukaanka mise waxaa loogu talagalay diktoorka?, dabcan asalka daawadaasi waxaa loogu tala galay bukaanka, hadii uu qaatana isaga ayeey anfaceeysaa hadii uu qaadan waayana isla bukaanka ayeey dhibeeysaa, oo diktoorka waxba kama dhibeeyso arintaa, sidaasi si lamid ah inaga waxaan qabnaa sadax cudur oo aad u waaweeyn oo kala ah Naf, Hawo iyo waliba Sheeydaan daawadooduna waa cibaadada iyo inaan Alle swt si dhab ah aan u caabudno.

Hadii aan fiirino quraanka iyo axaadiistana waxeeynu ka heleeynaa daliilo tira-beel ah oo wada cadeeynaayo in qofkii dadaalaa uu u dadaalay naftiisa oo kaliya, qofkii is dahiraa uu isu dahiray naftiisa, qofkii shukriyaa, uu u shukriyey naftiisa-darteed, qofkii wanaag sameeya waxa uu u sameeyey naftiisa, sidoo kale qofkii xumaan sameeyana waxa uu ku sameeyey xumaantaasi naftiisa.

Post a Comment

0 Comments