𝟒𝟑𝟎𝟎 𝐝𝐢𝐢𝐦𝐨𝐨𝐝 𝐞𝐞 𝐝𝐮𝐧𝐢𝐝𝐚 𝐤𝐚 𝐣𝐢𝐫𝐭𝐚 𝐦𝐚𝐱𝐚𝐚𝐧 𝐮𝐠𝐚 𝐝𝐨𝐨𝐫𝐚𝐧𝐞𝐞𝐲𝐧𝐚𝐚 𝐝𝐢𝐢𝐧𝐭𝐚 𝐈𝐬𝐥𝐚𝐚𝐦𝐤𝐚


 Hordhac:

Dunideena waxaa ku nool 2.4 bilyan oo kirishtaan ah, bilyan oo muslimiin ah, 1.1 bilyan oo hiduzim ah, 500 milyan oo budiisam ah, 500 milyan oo Alle-koodyo iyo Agnoteizm ah, sidoo kale guud ahaana waxaa caalamka ka jira 4300 oo diimood oo kale gadisan, hadaba maxeeey tahay sababta aaynu ku dooraneyno diinta islaamka, sidee baanse ku ogaan karnaa ineey tahay diinta saxda, hadaba su’aalahaan si aan u xalino aaynu isticmaalno falsafadii caan baxday ee Descartes ee aheyd, hadii salad eey ku jiraan tufaaxyo bololay iyo tufaaxyo fiican laguuguna yiraahdo kala saar tufaaxyadaan, gacanta inaad galiso danbiisha tufaax aad soo qabato hadii uu noqdo mid qurmay ıntii aad ku celin laheyd saladii halka hadii uu wanaagsanaadana aad meel dhigan laheyd ha sameynin midaan waayo kol waliba oo aad gacanta galiso salada 50% ayaa heeysataa fursadii aad kusoo qaban laheyd tufaax bad qaba, taa badalkeeda dhamaan tufaaxyada ka daadi danbiisha ka dibna tufaaxyada badka qaba ku rido danbiishaadi, midaasi mid la mid ah, dhamaan maskaxdeena aan ka saaro diimaha aduunka ka jira oo dhan, oo aan ka soo qaad inaaan waxa diin ah aadan heysanin isna waydiino maxeey tahay sababta aan diinta islaamka kaga dooranaayo 4300ka diimood ee caalamka ka jira? Oo Maxeey dheer tahay diimaha kale diinta islaamka? Sideena ku ogaanayaa sax ahaanshaheeda dhabta ah?

Muuqaal ahaan halkaan ka daawo:-


Kolkii la fiiriyo Fisigiska, Hadii la rabo in arin la sameeyo, arintaas la sameeynaayo waxaa qasab ah inuu sameeyo faacil awooda sameeynteeda Tusaa’le ahaan hadii canug yar aan aragno isaga oo jiidaya diyaarad aad u weeyn, kolkiiba waxaa caqligeena ku soo degdegaya in diyaaradaasi uu piolot saaran yahay oo isaga uu wado diyaarada ama eey jiraan mashiino qarsoon oo sababaya dhaqaaqa diyaarada waayo waxaan aaminsanahay inuusan canugaas yar awoodin jiidista diyaaradaas aadka u weeyn, waana sababta aan u raadineeyno faacil awooda dhaqaajintaas diyaaradaas, sidaasi si lamid ah kolka aaynu fiirino deegaankeena, caanaha lo’da aynu isticmaalno hadii eeynu aamino in faacilka soo saaro uu yahay lo’da, ama Malabka faacilka sameeyaa ineey tahay shinida, Caro gaduud iyo caro madoow lagu waraabiyey biyo deedna aynu ka gurano mirayaal kala duwan faacilkeedana aynu u aragno geedaha, waxeeynu ku dhacaynaa caqli yaradii hadaatay aaynu ku diidnay in canug yar uusan jiidi karin diyaarad aad u weeyn, taa caksigeeda e waxaa qasab ah inaan raadino ineey jirto awood caanaha kasoo saarta lo’da, Malabka kasoo saarta shinida, mirahana kasoo saarto geedaha, hadii eeynu ogaanana in caanaha laga helo dufan, lactose iyo buritiino, malabka laga helo Carbon hydarate, biyo iyo macdano kala duwan, miraha aynu isticmaalnana eey ku jiraan fitamino iyo macdano jirkeena siiyaa tamar, qirashada jiritaanka awoodaa waxaa inoo raacaaya in awoodaasi tahay mid leh cilmi, Doonis iyo waliba awood ka baxsan mida eeynu heeysano, waxeynu sidaa ku aamineynaa inuu jiro abuure abuuray waxyaabihii eeynu soo sheegnay, waxaana halkaa isaga ilaabeeynaa diimaha iyo aragtiyaha budhiisam, Judhiisam, Atheism, Agnotiisam, Naturaliz, iyo septisizem, waayo dhamaantood waxeey beeniyeen jiritaanka awoodaas iyo inficiladaas oo dhan uu ka danbeeyo Abuure awood badan.

Hadii eeynu isku waafaqnay jiritaanka Abuure, su’aasha 2aad ee aan isweeydiin karno waa: toloow Abuuraaha ma hal baa mise waa koox abuurayaal ah oo isku tagay, si eey isku saacidaan, una soo saaraan wax aadnaha nacfi iyo nafaqaba u leh?

Kolka eeynu fiirino caroedegta aaynu ku nool nahay Atomsyada yaryar ilaa xidigaha, Caalamka weeyn oo eey ku jiraan meerayaasha ilaa caalamka yar ee ka jira gudaha  jirkeena, waxeeynu ogaaaneynaa in gabi ahaanba eey ku socdaan nidaam dhameystiran, kolkii eeynu sii eegno jiritaanka geerida, Duqnimada, Xanuunada iyo isku dhacayada xiddigaha, waxeeynu sii xaqiiqsaneeynaa in nidaamkaasi yahay mid aad looga shaqeeyey oo aan la heyn wax ceeb ah, waana sababta uu seeynisku uu aqbalo in koonku eey ka jiraan xeerarar guud oo ka madax banaan Amin iyo spaceba, sida xeerka garaviationka, Xeerka keysashada tamarta, iyo Xeerarka dhaqaaqa ee isxaaq Newton.

Hadaba ujeedada loo sameeyo Xukun, waa ka hortaga dhibaato iyo isku dhac oo hadii eey gacmo kala duwan 1 shaqo la wada galiyo, shaqadaas waxeey u badan tahay ineeysan qabsoomin Tusaale ahaan hadii 1 wadan uu yeesho 2 madax weeyne, 1 degmo eey yeelato 2 gudoomiye, 1 iskuulna uu yeesho 2 maamule waxaana shaki ku jirin in nidaam iyo kala danbeeyn eeynan halka ka jireeyn, sidaasi si la mid ahna hadii uu koonka ka jiri lahaa 2 ilaah, 1 ilaah waxa uu rabi lahaa inuu anaga na abuuro, halka ilaaha kale uusan rabi laheyn, ilaah hadii uu rabo inuu dhir ama xaywaan abuuro midka kale waxaa uu rabi lahaa in buuro iyo xidigo uu abuuro, ilaah hadii uu rabo maanta ineey qorax jirto midka kale waxa uu rabbi lahaa ineey ceeyr yaamo jirto, ilaah hadii uu raboodo inuu roob da’o maanta, midka kalena waxa uu rabi lahaa inuu baraf da’o, oo hadii 1 ilaah ka badan uu jiri lahaa, marnaba macquul ma’ahaan laheyn inuu koonkaan ka jiro nidaam dhameeystiran, sidaasina waxaan ku aamineynaa in hadii uu ilaah jiro eey qasab tahay inuu hal Alle oo kaliya jiro, sidaasina waxaan ku beeninaynaa diimaha iyo aragtiyaha qaba in 1 Alle ka badan uu jiro sida ilaahyo beenaayadii Hitit(Hitaayt), firijiyiinta, ilaahyo beenaadyadii Giriiga, iyo waliba aragtiyihii paganizm*(Bayganiisam) iyo polytheism.

Tilaabteen 3aad bal aynu isticmaalno hanaan isbarbardhiggeed, hadii aan moobil soo gadano waxaa la socdo warqad noo tilmaameysa sida loo isticmaalo, oo shirkada moobilka soo saartay waxeey nagu leedahay moobilkaan anaga sameeyey anaga ayaana idiin kaga aqoon badan ee wadadaan u mara isticmaalkiisa, Qaboojiyayaasha, Makiinadaha, Baabuurta, xita daawooyinka aynu isticmaalno way la socotaa warqadaas iyadoo inoo tilmaameysa meesha aan dhigi karno, meesha aan u isticmaali karno iyo waxa eey ka kooban tahay, hadaba hadii wax yaabihii aadanaha sameeyey ee fududaa eey la socoto warqad ama buug yâre inoo sharaxaya sida loo isticmaalo, Miyuunan Allihii Koonkaan quruxda badan u abuuray, aynan aheyn inuu warqad ama buug yâre sida koonka loo isticmaalno, iyo waxa uu ka kooban yahay inoo sharaxa ina siineyn,  miyuuna Alle inooga jawaabeyn sadaxda su’aalood ee faylasuuf yada wareeriyey ee kala Ah: 1-Kumaan ahay? 2-Xagee ka imid? 3-Xagee u socdaa?, miyuuna inooga warameyn qisooyinkii dadkii inaga horeeyey si aan ugu cibro qaadano, miyuuna ujeedada uu inoo abuuray iyo waxa uu naga rabo inoo sheegayn? Hadaba diinta aan raadineyno waa ineey noqotaa diin leh kitaab aan ka heli karno su’aal waliba jawaabteeda, waxaana sidaasi cagta ku marinay diimaha iyo aragtiyaha diiday jiritaanka kitaab xaga Alle ka imaaday sida Deizm, Pantheism, shintoism, Tengrism,letism iyo waliba Nihilism.

Tilaabta 4aad: bal aan idiin weeydiiyee kitaab kaliya ma inagu filan yahay? Tusaale ahaan wasaarada waxbarashada hadii eey soo saarto buugaag deedna eey ardayda u qaybiso, ardaydaas maku filan yihiin buugaagtaas si eey wax u bartaan miyeeyna qasab aheyn ardaydaas macalin u sharaxa buugaagtaas ineey helaan, kitaab aan la fahmi kareeyn hadane macalin la’aan hadii uu sii noqdo, warqadaha afka la isaga tiro ee maqaayada yaalo maxuu dhaamayaa?,

sido kale kooxa kubada ciyaaro soow qasab ma’ahan ineey yeeshaan tababare, qolada filimiinta sameeyo soow qasab ma’ahan ineey helaan directoro u sameeyo filimo guuleeysta, sidaasi si la mid ah kitaabkii uu Alle soo dajiyey soow qasab ma’ahan inuu inoo soo raaciyo qof dadka u sharaxa, eeyna kaga daysadaan filicadiisa, soow qofkaasi qasab ma’ahan laftiisu inuu asaagiisa wax dheeraado, qofkaasna waa nabiga naloo soo diray, Naxariis iyo Nabad galyo korkooda ha ahaatee, Halkaanina waxaan cagta marinay diimaha iyo aragtiyadaha aanan aaminsaneen Nabiyada sida Hinduism, Chaodism, iyo waliba Durzilik.

Hadaba, 4,300 (Afarta kun iyo sadaxda boqol ee ) diimood ee aduunka ka jira, diimaha ogol jiritaanka Alle koonka Abuuray, Allahaasna uu 1 ilaah yahay, soona dajiyey kitaab, isagoona dadka usoo diray Nabi, waa sadax diimood oo kaliya oo kala ah:1-Diinta yahuuda 2-Diinta kirishtaanka iyo  waliba 3-Diinta islaamka.

Waxaa macquul ah inaay maskaxdaada kusoo dhacdo, kirishtaanka waxeeyba aaminsan yihiin Trinity oo ah sadax ilaah oo isku ilaah ahe, maxaa ugu dartay diimaha aaminsan 1 ka ilaah, se su’aashaan inta aanan ka jawaabin waxaa jirto 2 qalad oo ku saabsan kirishtaanka oo eey dad badi si qalad ah u fahmeyn waana:

Qaladka 1aad waa jiritaanka sadax ilaah, dhab ahaantii, 3da madhab ee kirishtaanka ee kala ah Katolik, ortodhakis iyo waliba protestant waxeey wada aaminsan yihiin 1 ilaah se waxeey u muujiyaan si sadax xagal ah oo waa Aabe, Canug iyo ruux barakeysan, yacni waa 1 ilaah se ku jira saddex qof oo kala duwan, oo waa sida Adke, Dareere iyo hawo laga soo saari karo biyo yacni biyuhu 3 daas xaaladba waa laga dhigi karaa.

Qaladka 2aad eey dadku ka aaminsan yihiin diinta kirishtaanka waa ineey dadku moodaan in Tawraad, Sabuur iyo injiilba eey yihiin 3 kitaab oo kala duwan, se kirishtaanku waxeey u yaqaanaan sadaxdaasi Kitaabul muqadas, oo waa u hal kitaab Tawraad, Sabuur iyo injiilba waxeey ka yihiin kitaabkaasi cutubyo, se guud ahaan kitaabul Muqadas waxeey u qaybiyaan: 2- qaybood oo kala ah: Old Testament iyo New Testament, oo Nabi ciise inta uusan dhalan ka hor kitaabadii ahaa ee loo soo dhiibay nabi muuse iyo nabi daaud waxeey u yaqaanaan Old Testament, halka kolkii uu dhashay kadib kitaabkii ahaana ay u yaqaanaana New Testament.

Se diinteena suuban waxee inoo sheegeysaa ineey kirishtaanka iyo yahuuduba qaar ka mid ah aayadihii kitaabyadooda badaleen, waxyaabihii eey badaleeyn waxaan ka mid ah in nabi nuux eey ku tilmaameeyn nabi cabtooy ahaa oo seexda isagoo qaawan deedna caruurtiisa ineey xishoodaan dhar ku dabooli jireeyn subxaana Allah, Nabi luud waxeey ku tilmaameyn inuu caruurtiisa u galmoon jiray si uu u waaro jiritaankiisa uffffff, Neef qaado, xita intaan ciwaankaan baaraayey wax yaabo aanan afka ka sheegin karin ayaan arkay oo ku saabsan nabi daaud inuu ahaa zaani, shirqool maleege iyo dilaa halka Nabi yacquubna ay ku tilmaameyn inuu Alle swt la lagdamay,…..yaa Allah, Bal kawaran qoom diin ahaan waxaas u aaminsan,  misane uuba kitaabul muqadaskooda ugu qoran yahay, Inaalilaahi wa inaa ilaayhi raajicuun. Hadaba ceebahaan kitaab ku tilmaamay Nabiyadii Alle usoo diray, uma maleeynaayo inuu jiro qof caqligiisa taam yahay oo rumeeynaayo, halkaasna waxaan ku burinay 2-diimood ee kirishtaanka iyo yahuud, bal u kaalay aan si wada jir ah u indho indheeynee diinta islaamka.

Diinta islaamka waa saldhig u ah kitaabka quraanka iyo Xadiiska nabi muxamed scw, 2doodana waxaa laga helayaa mucjisooyin tiro beel ah oo xita sayniska maanta uu qaarkood cadeeyey iyo mucjisooyin uusan wali cadeeynin.

Se inta aanan mucjisooyinkaasi ka hadli ka hor bal kawrn 1400 sano ka hor, dhul saxaro ah, oo aan lagu baranin aqoon yahano, dadka dagan eey yihiin jaahiliin, wiil yar oo ari raaco ahaa, misane umi ahaa oo aan qoraal iyo akhris midna aanan aqoon inuu yiraahdo nabi ayaaan ahay cadeeymaheyguna waa kuwaanaa deedna uu aqriyey aayadu aad loogu tacajabay iyaga oo kalena ilaa qiyaamaha aanan lala imaan karin, bal aaynu tusaalooyin kooban kasoo qaadano mucjijoosinkii uu quraanku sheegay.

Aqoon yahanadu ay ka mid yihiin Aristo, burunu, Giliiliyo, ilaa aabaha sayniska Newton waxeey aaminsanayeen aragtida static universe theory taas oo ah aragti sharaxda in kownku yahay mid taagan, se 1924 aqoon yahan ruush ah oo lagu magacaabo Alexender fridman iyo Georges lemaitre ayaa cadeeyey in koonku uusan aheyn mid taagan uu yahay mid dhaqaaqaayo waliba balaaranaayo, sidoo kale cirbixiyihii weeynaa ee Edwin Hubble 1929 isagoo isticmaalaayo teleskoob ayuu daahqaaday ineey xidigu sii kala fogaanayaan waxa uuna sheegay wax waliba oo kala fogaanaayo ineey balaaranayaan.

1400 sano ka hor ayuu arinkaan quraanka sheegay issagoo yiri: وَالسَّمَٓاءَ بَنَيْنَاهَا بِاَيْدٍ وَاِنَّا لَمُوسِعُونَ

1971 iyadoo la isticmaalaayo alet ultrason ah ayaa la daahqaaday in caruurta kolka eey ku jiraan uurku jirta ineey ku dhex sugan yihiin 3 mugdi, Anterior abdominal wall, the uterine wall iyo Amnio-chorionic membrane.

Se quraanka ayaa inoogu sheegay midaa 14000 sano ka hor oo suuratu zumer aayadeeda 6aad, ayaaba ka hadleysa

Xitaa quraanka waxa uu sheegay wax xiriir la leh chemistriga waliba elemtiga 26aad ee iron, oo suuratu xadiid aayadeeda 25aad, waxa uu inoogu sheegay alle in birta uu soo dajiyey, waxaa macquul ah inaad isweeydiineyso birta soow macdin maaha, oo dhulka lagama helo, asal ahaan maya yacnii marka ugu horeeyso si loo sameeyo bir waxaa qasab ah in la helo kul aad u sareeyo, dhuda ama senterka dhulka kulkiisa waa 6000c oo macquul ma’ahan inuu kulkaas sameeyo bir, oogada qoraxda kulkeedu waa 5,500c, se kulka bartamaha qoraxda waa 15 milyan oo c, oo xita kuleeyl kaas laguma sameeyn karo birta, ee kaliya waxaa sameeyo xidigu aad u waaweyn oo ka weeyn qoraxda kolkooduna gaaraayo wax ka badan boqolaal milyan oo c, sida NOVA iyo Supernova, oo kale ayaa weeynaanaayo ka dibna waxeey gaarayaan heer ee dhaqaaqi waayaan ka dibna way qarxayaan halkaasna waxaa ka sameeysmaayo birta, se saynisku hadda ayuu shaagayaa arinkaa halka quraanku uu sheegay 1400 sano ka hor, isagoo Alle SWT yiri waxeeynu soo dajinay birta soo dajintana waxaa loo isticmaalaa wax kor ka yimid.

Sıdoo kale suuratu An biyaa aayadeeda 32, wuxuu Alle swt inoogu sheegay in Samada loo yeelay saqaf wax ilaaliya isagoona sayniska uu cadeeyey midaa 1932.

1912diina waxaa uu seeynisku sheegay ineey dhaqaaqaan buuraha halka quraanka 1400 sano ka hor uu inoogu sheegay suuratu namli aayadeeda 88aad,

Kolka aad fiiriso aayadaha kale ee ka hadlaayo sameeynta malabka, labo bad oo aan isku darsameyn, iyo waliba furashada Ruum oo ilaa iyo haatan aanan dhicinba waxaad ogaaneeysaa in kitaabkaasi yahay mid mucjiso ah.

Waxaa taa kasii daran 1400 sano ka hor sayniska iyo tiknoolijiyad xili eeynan hormarin sidee ayuu qof aan qoraal iyo akhris toona aanan aqoon u dhihi karaa arimahaasi hadii eeynan mucjiso aheeyn, halkaana waxaan ka qaadan karnaa in macalinka aan raadineynay uu yahay Nabi muhamed, kitaabka aan raadineynayna uu yahay quraanka, ilaahii aan raadinaynayna inuu yahay Alle SWT, Hadii aad xasuusataana markii ugu horeeysay waxaan isweeydiinay maxeey tahay sabahta aan islaamka u dooraneeyno, waa taasaa jawaabtii. Wasalaamu Aleykum.

Post a Comment

0 Comments