𝐒𝐡𝐚𝐪𝐨 𝐥𝐚'𝐚𝐚𝐧 𝐚𝐲𝐚𝐚𝐝 𝐧𝐨𝐪𝐨𝐧 𝐝𝐨𝐨𝐧𝐭𝐚𝐚 𝐌𝐮𝐬𝐭𝐚𝐪𝐛𝐚𝐥𝐤𝐚 !

 Aroor waliba ee curataa Aadanuhu waxaa uu la soo kacaa amakaag iyo anfariir, se waxeey ugu daran tahay kolka ay suuqa shaqo la’aanta u sinaadaan midka waxbartay ee cimrigiisa in ka badan 15 sano waxbarasho ku bixiyey iyo midka aanan B iyo Tba kala aqoon, rumoobista arinkaasi argagaxa lehna waa mid aanan fogeeyn oo uu qof waliba si guud u arki doono, oo maanta ayaanba maqaalkeena ku falaqeeyneeynaa dabar go’a shaqooyinka iyo waxa uu ka dhahay Bill Gates.

Xuquuqda Sawirka:cafebiz.vn

Qarnigaynu joogno waxaan marnaba la iska indha tiri Karin, isbadalka iyo xawaaraha saa’idka ah oo eey ku socoto Tiknoolajiyada, gaar ahaan isticmaalka Aaladaha garaadka leh. Taariikhdu kolkeey aheeyd 30-11-2022, waxeey shirkada OpenAi furaha ku rogtay kacdoon cusub oo uusan caalamku filaneeyn, iyadoona saaxada Tiknoolajiyada kusoo tuurtay alaad leh garaad macmaleed oo eey u bixisay “ChatGPT”, aniguse aan ula bixiyey “Aabaha Ogaalka Casriga”, deedna waxaa halmar dunida tiknoolajiyada oo idil ooda lagawada qaaday  aalado kale misane leh garaad macmacleed oo arinku waxa uu isku badalay sida waxaro lasoo daayey misane u tartamaayo ineey nuugaan riyihii dhalay.

Dhanka kalena, waxaa had iyo jeer siyaadaayey cabsida eey dad badani ka qabaan inuu AIgu kala wareegi doono shaqooyinkooda, ilaaba la gaaray xili eey cabsidii noqotay mid run ah, oo isla sanadkaas—2022—waxeey warshadaha ka shaqeeyo soo saarista Tiknoolajiyada shaqooyinkooda ka ceeyriyeen 164,709 oo qof, halka 2023-kiina laga ceeyriyey shaqooyinkooda 212,294 qof, sida eey qortay layoffs.fyi oo ah madal diiwaan galisa dadka looga ceeyriyo shaqadooda Aalaadaha garaadka leh aawgii.

Sidoo kale, Aigu waxa ay saameentiisu gaartay 300 million oo shaqo taa oo ka dhigan 99.1% shaqooyinka caalamka inuu wada gaaray, IMFna (Sanduuqa lacagaha Aduunka) waxeey daabacday in 2025-ka dhamaan shaqooyinka caalamka 60% uu saameeyn buuxdo ku yeelan doono AIgu.

Hadaba, Bill Gates ahna ninka 7aad ee ugu taajirsan caalamka iyo aasaasaha shirkadda Microsoft, ayaa la weeydiiyey shaqooyinka uu u maleeynaayo inuu gabi ahaanba qadka ka saari doono AIgu, se waxa uu jawaabtiisa ku soo koobay sadax shaqo mooyee inta kale waxaa la wareegi doono Ai.

Sadaxdaas shaqana waxeey kala yihiin:-

1- Energy-related jobs    2- Biology-related positions      3- AI Professionals.

Bal aan aayar faahfaahino sadaxdaan shaqo iyo waxyaabaha eey la xiriiraan si asxaabta daneeneysa barashadooda eey uga faa’iideeystaan.

1- Shaqooyinka la xiriira Tamarta “Energy-related jobs”:-

Helista tamar nadiif ah waa mid ka mid ah wax yaabaha eey ku loolamayaan dawladaha Mareekanka iyo Shiina, loolankaasina waxa uu ka dhigay cilmigaani inuu suuqa ka yeesho milgo iyo ahmiyad gaar ah.

Hadaba cilmigaan waxaa hoos yimaado 3-laamood oo waaweeyn  oo kala ah:

I- Fossil Fuel Industry: waxaa ay waaxdaan la xiriirtaa baadi goobka goobaha shidaalka, sifeentiisa iyo soo saaristiisaba, waxaana qabto petroleum engineers, drillers, pipeline workers, iyo refinery operators.

II- Renewable Energy Industry:- Waaxdanina waxeey diirada saartaa in hawada, ileeyska iyo biyahaba laga dhaliyo tamar, waxaana tamartaasi loo yaqaanaa tamarta la cusbooneensiin karo. Waxaana shaqooyinkaan qabto solar panel installers, wind turbine technicians, hydroelectric dam operators, iyo waliba biofuel engineers.

III- Nuclear Energy Industry:-waaxdaani waxeey la xiriirtaa soo saarista Nukliyeeradaha isaga kala goosha qaaradaha kala duwan, waxeeyna ka mid tahay culuumta xadidan oo aan dunida oo dhan loo wada ogoleeyn barashadeeda, waxaana hoowlahaan qabto nuclear engineers, reactor operators, iyo waliba radiation safety technicians.

2-Jagooyinka Daraaseenta Cilmiga Noolaha “Biology-related positions”.

Si aadan uga mid noqonin dadka uu qaadaayo fatahaadaha aaladaha gaaraadka leh, waa inaad barataa culuumta la xiriirta noolaha, sida:-

I-Research Biologists: Aigu way adag tahay sida uu booskooda ula wareego aqoon yahanada sameeyo cilmi baarisyada la xiriira microbiology (Cilmiga lagu barto ilma-aragtiyooyinka sida bacteria, Fungi iyo waliba Virus), genetics (Cilmigaha hidasidayaasha noolaha), Immunology (Cilmiga habdhiska difaaca), ecology (Cilmiga lagu barto falgalada dhexmara noolayaasha sida dhirta, xoolaha, aadanaha iyo deegaanka), iyo waliba Biotechnology (cilmiga lagu badalo misane lagu hormariyo qaab dhismeedka noolayaasha).

II- Medical Professionals: sidoo kale, Aigu waa adagtahay inuu si 100% ah u la wareego shaqooyinka dhaqaatiirta,  Farmashiistayaasha caalamiga ah, iyo waliba kalkaaliyaasha gaarka ah.

3-Jagooyinka la xiriira Aaladaha garaadka leh “AI Professionals”: 

Aigu marnaba lama wareegi karo boosaska curiyayaasha Aiga, waa macquul in la soo saaro Ai sameeyn karo Ai cusub—sida Devin Ai— se, si loo soo saaro Aigaas sameeyn karo Ai cusub, waxaa qasab ah in la helo khabiir kolka hore soo saaro Aigaas, oo shaqooyinkaan iyaguna waxeey leeyihiin mustaqbal ifaayo, oo waxaad noqon kartaa Machine Learning Engineer, AI Researcher, Natural Language Processing (NLP) Engineer, amaba Robotics Engineer.

 Hadii aad u baahan tahay xog dheeri ah oo barnaamijkaan la xiriira fadlan Tixraacyada hoose ka aqriso.

Tixraac:-

https://edition.cnn.com/2023/09/05/opinions/artificial-intelligence-jobs-labor-market/index.html

https://edition.cnn.com/2023/07/04/tech/ai-tech-layoffs/index.html#:~:text=Some%20212%2C294%20workers%20in%20the,in%20AI%20talent%20and%20tech.

https://www.marca.com/en/technology/2024/04/11/661826d5ca474130118b4579.html


Post a Comment

1 Comments