𝐈𝐬𝐤𝐮𝐮𝐥 𝐃𝐚𝐧𝐛𝐞 𝐥𝐚𝐦𝐚 𝐚𝐚𝐝𝐢 𝐝𝐨𝐨𝐧𝐨 !

     Elonmusk iyo Teamkiisa waxeey ka shaqeeynayaan inaad 2 sano iyo bar oo kaliya aad ku barato 7,100-ka luqadood ee caalamka ka jira, waliba si fasiix ah aad ugu hadasho dhamaantood. Si aad u barato xirfad ama kuliyad gaar ahna uma baahan doontid inaad aado iskuul, ee kaliya waxaa kugu filan inaad maskaxdaada ku koobiyeeysato cashirada, taa waxaa kasii daran, inaad kolkii u xiisto waayihii hore, iyo wada sheekeesiyadii idiin dhex maray adiga iyo aabahaa, ama awoowgaaga geeriyooday 15 sano ka hor, aad dib u daalacan karto, gali kartana xasuuso aad u dheer.
Sheeygaan yar ee loo bixiyey Telepathy waxa uu leeyahay cajaaib badan, waxa uuna furi doonaa albaabo badan oo muhiim u ah nolosheena, hadaba si aan si wadajir u ogaano albaabada uu furi doono kusoo dhawaada maqaalkeena maanta.

    Neuralink waa shirkad si hoose uu u aasaasay Elon musk 2016kii, se waxa uu iclaamiyey shirkadaani 2017kii bishii maarso, isagoona meel isugu keenay 90 qofood ee ugu aqoonta badan cilmiga neerfaha ıyo computerka, si eey usoo saaraan qalab isku xiro maskaxda aadanaha iyo computerada, iyada oo aan la isticmaaleyn xarig (cable), 3 sano oo eey wadeeyn shaqeeynayeen aqoon yahanadaan ayeey 16 july 2019kii waxeey soo bandhigeeyn presentation cajaa'ib badan, iyaga oona shaaciyey in la awoodo in la isku xiro maskaxda aadanaha iyo aaladaha computerada ah.

dabcan computerka kolkaan isticmaaleyno maskaxdeena waan isticmaalnaa oo maskaxdaa amarka ay soo deeyso waxaa fuliyo gacmaheena inagoo mouse ama keybordka adeegsaneyno deedna aan qoreeyno waxa aan rabno, se kooxdaan waxeey ka shaqeeynayaan mudadaas 3da sano ah sidii si toos ah la isugu xiri lahaa maskaxda iyo computerka iyadoona la xakameeynaayo waqtigii iyo tamartii ku bixi laheeyd in fariin maskaxda laga soo qaaday, ay garbaha, deedna gacamaha, ilaa faraha ay isku soo marto ka dibna aynu garaacno xaraf keyboardka ku yaalo si aan wax u qorno, oo teamkaan waxeey taagan yihiin waqti iyo tamar ayaa halkaa ku dhumaayo, ee waa inuu qofka ku fikiraa oo kaliya waxa uu qoraayo deedna inta aanan fariintii gacmaha lasoo gaarsiinin ayuuba qorayaa wixii uu rabay.

Dhab ahaantii ma’ahan kolkii ugu horeeyey ee lagu fikiray in aadanaha lagu talaalo maskaxdiisa memory yar, oo hadii aad xasuusataan, filinkii matrixkis ee lasoo saaray 1999kii, atooraha waxaa maskaxdiisa la galinaayey chips yar, si ay u siyaado awoodiisa uuna ula dagaalamo robotyadii aadanaha soo weeraraayey.

Sidoo kale, waxaa jira tixane buugaag ah, ee uu qoray qoraa scotish ah lana dhoho Lain banks, waana buugaag khiyaali sayniseed ah, uu qoraagaan qorayey intii u dhaxeeysay 1984kii ilaa 2012kii, waxeeyna ka hadlayaan buugaagtaani, gaar ahaan tixanaha "the culture series: in aadanuhu ku noolaado meerayaasha iyo xidigaha dhexdooda iyo in aadanaha lagu hormariyo makiinooyin macmal ah, waana halka uu fikirka iyo dhiiri galinta uu ka qaato elonmusk oo waxa uu ku hanweeyn yahay in qiyaali seeyniseedkaas uu ka dhigo mid dhab ah.

Se 30/01/2024kii, saacadu kolkeey aheeyd 01:37 pm, elonmusk isagoo dadka ogeeysiinaaya isbadalka mustaqbalka ku yimid waxa uu bartiisa X kusoo qoray: “Shalay, ayaa qofkii ugu horeeysay lagu talaalay Neuralink, si wanaagsan ayuuna usoo kabanayaa, Natiijooyinka hordhaca ahna waxeey muujinayaan in si guul leh loo ogaanaayo hirarka dhaqdhaqaaqa maskaxda, taasoo ka dhigan biloow dhiiri galin leh”.

Waxa uu Neuralink 1aad u bixiyey "Telepathy", oo micno ahaan noqonaayo in dadku maskax ahaan ay iskula xiriiraan iyagoona isticmaaleeynin aaladaha la iskula xiriiro sida moobilada iyo computerada.

Kol elonmusk la wareeysanaayey ayaa la waydiiyey u jeedada  dhabta ah ee ka danbeeysa mashruuca Neuralink, waxa uuna ku jawaabay; ujeedku waa inaan chips ama bir yar aan ku xirno maskaxda aadanaha si loo maamulo qofka, se dadku si eeynan u argagixin waxa uu hadalkiisa sii raaciyey, in isaga iyo teamkiisaba, maskaxda aadanaha danab-gudbiyo yaal ku xirayaan, si qofka xasuustiisa iyo garaadkiisaba loo hormariyo waxaana danab gudbiyayaashaan loo yaqaanaa "Cybernetic implants", waana ujeedada dhabta ah ee shirkada Neuralink.  

Shirkadaani waxay sharxday sida chipska loo galinaayo maskaxda aadanaha iyada oo aanan dhaawac la gaarsiineyn neerfaha qofka, waxaana hoowsha qabanaayo robotyo sida harqaan oo kale ah, oo iyaga ayaana qaybta danbe ee madaxa qofka ee loo yaqaano qadaadka jeexaayo, deedna halkaasi ayeey dhigayaan chipska, se arinka layaabka leh ayaa ah ineey danabgudbiyayaashu yihiin xarig la’aan, oo eey u shaqeeynayaan sida bluethooth oo kale, ee arinku maha in qofka madixiisa fiilooyin laga taagtaagaayo.

Sida aan oganahay, waxaan maqalno, dareeno, garano, iyo waxaan ku fikirnaba waxeey ka dhashaan dhaqdhaqaaqyada ka dhaca neerfayaasheena, Kooxdaana, waxeey ka shaqeeyneysaa ineey si qoto dheer u fahmaan neerfayaasheena, deedna eey hormariyaan. dabcan, ka aadane ahaan waynu hormarsanahay, oo hadii qodax ama dab aan ku joogsano, ilbiriqsiyo gudahood ayaan lugta la boodnaa iyadoo lugta fariintii laga diray ay gaareeyso maskaxdeena, deedna maskaxdeena ayaa sheegeyga wixii aan ku joogsanay, ineey ahaayeen dab ama qodax, durbadiina, maskaxdeena qaybta qaabilsan dhaqdhaqaajinta jirka ayaa loo dirayaa amar ah, in kor loo qaado lugta, sidaas ayaana lugtii kor ugu qaadeeynaa wax ka yar ilbiriqsiyo, hadaba elonmusk iyo kooxdiisa waxeey rabaan ineey ka faaidaytsan hormarkaan, oo isaga oo ka hadlaayo telepathay waxa uu bartiisa x kusoo qoray:- Telepathay waxeey awood kuu siineysaa inaad maamusho computerkaaga ama moobilkaaga adiga oo niyeeysanaayo, oo kolkii eey maskaxdaada soo dirto amar ah inaad computerka wax ku qorto ama youtubeka aad wax ka daawato, intii aanan fariinta loo gudbinin gacantii shaqada qaban laheeyd waxeey fariintii gaaraysaa chipska yar ee qadaadkaada danbe kaaga talaalan isla markiina computerkaagi ama telefankaagi hadii uu kuugu xiriirsanyahay chipska, chipskaas ayaad ka maamuleeysaa deedna wixii aad niyeeysataba halkaas ayaad ka daaraneeysaa adiga oo aanan gacmahaaga isticmaalin.

Kooxdaan, waxeey ku dhawaaqday in isticmaalayaasha ugu horeeya eey yihiin dadka naafada ah ee lugaha iyo gacmaha la’a, bal suureeyso Stephen Hawking hadii uu isticmaali lahaa chipkaan yar si ka dhaqsi badan sidii hore ayuu u hadli kari lahaa isaga oo aanan isticmaalin computer cod kasoo saaro.

Hadii uu mashruucaan si dhab ah u guuleysto, waxaa lagaari doonaa in la aqriyo niyada qofka waxa ku jiro, oo qofta ama qofka aad xiriirka la leedahay, waxaad ogaan-doontaa inuu si dhab ah kuu jecel yahay, iyo inuu kugu daneeysanaayo, sidoo kale waxaa macquul ah inaad si fudud u ogaato, hadii uu saaxiibkaa qalbiga ka jecel yahay inuu kula guursado, se adiga uu kuugu sheekeeyo inuu kaligaa nolosha kula wadaagi doono, hase-ahaatee kolkaa waxaa qasab ah inaad  labadiina aad isticmaaleysaan chipskaan ama hacker aad u adeegsato maskaxda saaxiibkaa….

Sidoo kale, waxaa dhici doonto in qofku uu kiciyo neerfayaal maskaxdeedkiisa, deedna uu dhageeysto buugaag cod ah, ama heesta uu rabo, iyada oo eysan cidana maqlayn, ama eynan dareemeyn qofka xaalada uu ku sugan yahay, xita waxaa xal loo heli doonaa erayada qaar uu qofku yaqaano, se uusan ogayn sidii u u sharxi lahaa, yacni mararka qaar waxaa dhacdo qofku in arin kolkii la weeydiiyo uu yaqaano jawaabteeda, se uunan afkiisa soo qabaneeyn deedna uu yiraahdo maskaxdeeyda ayuu ku wareegsaneeysaa sheygaas, hadaba chipskaan xal ayuu u noqon doonaa dhibaatadaas. 

Intaa waxaa sii dheer inuu Elon musk uu rabo xalinta cabsida eey aadanhu ka qabaan robotyada,  iyadoona dadka laga dhigi doono half robot awood leh, sidoo kale kooxdaani waxa ay wadaa mashruuc la dhaho visionlink oo u jeedkiisu yahay in dadka ku dhashay indho la’aanta loo sameeyo arag macmal ah.

Dhanka kale, arinta eey wadaan Elonmusk iyo kooxdiisa waxeey leedahay qatarteeda, oo waxaaynu ka tagaynaa hanaankii dabiicinimada inagoona qaadi doona wado halisteeda leh, oo waxaa dhici doonta in hackerisku eey jabsadaan qofka maskaxdiisa, deedna, fikiradaha ka guuxaayo qofka ay ka gataan shirkado gaar loo leeyahay, sidoo kalena waxaa dhici doonta qofka maskaxdiisa in lagu shubo feerisyo, ama laga dhigo qof waalan.

Hayaanka qarsoon ee kooxdaan waa sameeynta waxa loo yaqaano "Transhuman" oo ah in aadanaha loo isticmaalo Teknoolajiyad si loo siyaadiyo awoodiisa jireed iyo waliba midiisa maskaxdeed.

Post a Comment

0 Comments