𝐉𝐢𝐥𝐢𝐢𝐧𝐤𝐢𝐢 𝐔𝐠𝐮 𝐖𝐞𝐞𝐲𝐧𝐚𝐚 𝐂𝐚𝐥𝐚𝐚𝐦𝐤𝐚!

 Xalay ma waxaa qormay Taariikh Cusub, oo  caalamku ma waxa uu qarka u saarmay dagaal la filaayey inuu si xaq ah ku bilaabmo kolkii la fiiriyo xeerarka caalamiga ah ee Aduunka, mise arinku waxa uu ahaa boola xuufteen iyo prank calami ah?

Waa dhab in xalay, wararka caalamka ah oo dhan eey halmar diirada wada saareeyn bilaabashada dagaalkii 3aad ee Aduunka oo in badan la sugaayey. Hadaba maqaalkeenaan maanta waxeeynu ku lafa guri doonaa weerarkii xalay “Behind the scenekiisa”, amaba daaha gadaashiisa waxa ka socday. Inagoona idiin la wadaagi doona dhacdooyin taariikhi ah iyo xogo cadeeynaayo inuu dagaalku ahaa mid la wada ogaa, laguna wada heshiiyey, ee soo dhawaada saaxibayaal. 

Xaquuqda sawirka:Intellinews

Dhab ahaantii, dad badan ayaan mooda in dagaalkii xalay uu ahaa gargaar eey iiraaniyiintu u fidinayeey walaalaha uu xasuuqa badan ku socdo ee falistiiniyiinta, se arinku midaa waa uu ka fogaa, oo weerarku waxa uu ahaa jawaab celin ka dhalatay Duqooymo eey israa'iliyiintu ka geesteen 1 bishii 4aad 2024kii qunsuliyada eey iiraan ku leedahay caasimada dalka suuriya ee dimishiq, waxaana duqeeymahaasi uga dhintay iiraan 7 qofood oo eey ka mid yihiin labo sargaal oo waaweyn.

Kolka la fiiriyo xeerarka caalamka waxaa mamnuuc ah inuu dal weeraro dal kale safaaradiisa, Iiraan kolkii safaaradeeda dimishiq eey israa’iliyiintu ku qaadeen  weerar waxeey cadeeysay in Israail eey ku xadgudubtay sharafkeeda iyo midnimadeeda eeyna qasab tahay ineey ka bixineeyso jawaab eey ka shaleeyn doonto Israa'iil.

Oo weerarkii  eey iiraan ku qaaday israa’iil xalay, ma uunan aheyn dagaal diimeed oo u dhaxeeya Islaam iyo Yahuud amaba  ma uusan aheeyn dagaal ay iiraaniyiintu ugu gargaarayeen reer falistiin, waliba xitaa iiraan iyadaaba burburisay wadamo badan oo muslimiin ah oo waa la wada yaqaanaa waxa eey ka geesatay dalalka Ciraaq, Suuriya iyo waliba Yemen, se dagaalkii xalay waxa uu ahaa dagaal eey ku difaaceysay madax banaanideeda, iyo weerarkii lagu qaaday safaaradeeda, caalamka oo dhana waxa uu sugaayey jawaabteeda.


Sooyaal ahaana ma’ahan kolkii ugu horeeyey oo Iiraan weerar looga dilay saraakiil u muhiim ah oo taariikhdu kolkeey aheyd 3 January 2020kii, waxaa magaalada Baqdaad lagu duqeeyey sargaalkii weeynaa ee Qaasim Suleymani. 
Qaasim Suleymani waxa uu ahaa sarkaal u olaleeya arimaha Qudus iyo waliba dhibta heesta walaalaha falistiin,  se mareekanku waxa ku shaabadeeyey argagaxisonimo, waliba iyada oo dilkiisa ay u adeegsadayn diyaaradaha aan duuliyaha laheeyn ee mareekanku leeyahay. Toloow maxeey uga jawaabeyn ayaa isleedahay? Isla sidii xalay oo kale ayeey baaq u direen mareekanka iyagoo leh waxaan duqeeyneynaa xaruntiina Ciraaq deedna xaruntii waaloo faarujiyey kadib ayeey Iran weerar gantaallo ah ku qaaday saldhig ciidamada cirka ee Ciraaq ay ku leeyihiin Maraykanka, hal qofna kuma aysan dhimanin.

Hada ogoow hadalkaasi waxaa meel fagaaro ah ka sheegay Trump isaga oo ku jeesjeesaya Iraaniyiinta ayuuna yiri:- iiraantiyiintu waa ina soo waceeyn waxeena dhaheyn xal kale inooma banana ee noo ogolaaw inaan idiin soo weerarno, hana baqin waxba idiin mayeeleeyno ee kaliya waxaan qancindoonaa dadka inagu xiran, si looguna maleeyo inaan aargudanay, Hadalka Trumpna muuqaalka hoose ayaad ka daawan kartaa.

Hadaba, dadka taariikhaha iyo arimaha diyaasada falaqeeya waxa eey leeyihiin arinka dagaalkaani waa isla sidii oo waa mid la isla ogaa, iyaga oo doododa ku xoojinaaya Arimahaan hoos ku xusan:-

1-Ineey Iiraan 2 maalin oo dhan ku booteeyneysay waan idiin soo weerareenaa ee ogaada, oo arinkeedu waxa uu ahaa waan idiin soo weeraraynaa ee inoo sii baneeya.

Sareeye 𝐘𝐮̈𝐜𝐞𝐥 𝐊𝐚𝐫𝐚𝐮𝐳, xuquuqda sawirka:gdh haber

2-Sidoo kale, 𝐘𝐮̈𝐜𝐞𝐥 𝐊𝐚𝐫𝐚𝐮𝐳 oo ka mid Sareeye Guutayaasha Turkiga misane hoowlgab noqday ayaa weerarkii xalay kolkii wax laga weeydiiyey, waxa uu yiri: weerarku waxaa uu egyahay qorshe bulshooyinka reer galbeedka lagu aamusinaayo maadaama eey bilaawdeen eedeeyno la xiriira xasuuqa ay israailiyiintu u geeysanayaa caruurta iyo haweenka reer falistiin, sidoo kalena waxaa dib loogu soo nooleeynaayey awooda israail, iyadoona baaq caawimeed loo diraayey caalamka, maadaama garab istaagii iyo gargaarkii dawladaha reer galbeedka iyo kuwa neceb muslimiintaba u fidinayeey Israail uu hoos u dhacay mudooyinkii ugu danbeeyey, isla xalayna waaxaaba uu kacay caalamka reer galbeedka isaga oona faransiisku ciidan badeed usoo diray Israail, halka Mareekan, Urdun iyo Ingiriiskuna eey cadeeyeen ilaa dhamaadka ineey ahaanayaan garabka midig ee Israa’il, oo baaqii waa uu guuleystay ayaa la leeyahay.

Sidoo kale, waxaa jirta jariidada lagu magacaabo wall street journal, waxaana iska leh bilyineer lagu magacaabo Rupert Murdoch, bilyineerkaan waxa uu kale uu leeyahay Fox News, the Fox Broadcasting Company, Sky News Australia, iyo waliba warbaahino badan oo boqolaal kor u dhaafaayo misane la isku yiraahdo magaca News Corp.  Hadaba, asalka ninkaani waxaa ka taagan muran badan oo dad badini waxeey ku tilmaameyn inuu yahay Yahuudi ku dhashay Austarlia, deedna qaatay dhalashada Mareekanka, halka kuwa kalena eey leeyihiin yahuudi ma’ahan ee asalkiisu waa Scottish ku dhashay Austarlia, hadaba waxa uu rabo ha noqdo’e ninkaan ayaa lagu tilmaamaa inuu caabudo lacagta, diintiisu oo dhana ineey tahay hanti,  hadaba ninkaan jariidadiisa wall street journal ayaa jimcadii daabacay in 24 saacadood ilaa 48 saacadood gudahooda iiraan eey ku weerari doonto israa’iil, oo dadku waxeey ku doodayaan joornaalkaan waxa uu ahaa isha kaliya ee warkaas laga wada helay taa oo ka dhigeeysa ineey macquul tahay in loosoo dhiibay xogtaasi looga soo shaqeeyey daaha gadaashiisa, sidii ayuuna arinkii u dhacay oo 48 saac gudahood ayeey iiraan weerartay israa’iil, taasina waxeey xoojisay dooda ah in arinku uu ahaa wax la isla ogaa ujeedka jawaab-celintaasina ay aheyd qorshe lagu soo nooleeynaayo awooda Israailiyiinta oo sii taag-daraaday.

3-sidoo kale dadka ku doodaya inuu dagaalka ahaa mid daaha gadaashiisa lagu soo diyaariyey ayaa doodooda ku xoojinaya sida ugu dhaqsiyaha badan oo eey Iiraan u tiri tamaam, dagaalkii waa dhamaayey, oo waan aargoostay, ee markale yeey u noqonin Israa’il, xita 1 qof iyada oona dilin,  kolkii laga reebo gabar oo ku dhaawacantay goobta, Iiraana sidaas ayeey ugu dhawaaqday dhamaadka dagaalkii, iyadoo sheegeysa ineey aargoosatay.

Dhanka kale, dadyoowga taageersan weerarkii Iiraan ayaa iyagane leh, xitaa hadii uu ahaa dagaalkaasi mid lasoo qorsheyey oo boola xoofteen ah, in gabi ahaanba caalamka islaamka laga waayey boola xoofteentaas oo kale, ayna madaxa muslimiinta oo dhanba noqdeen kuwa gacmaha cilaan loo saaray, afkana kawada xiran.

Sida uu bartiisa facebuuga kusoo qoray ustad Mustafa oo ah macalin falsafada reer galbeedka ka dhigo jaamacado kala duwan isaga oona yiri:-

“Iraan waxay samaysay masraxiyad u gaar ah, sida dadka qaarkiis ku sifeeyaan, lagana yaabo inay ku saxan yihiin arrintaas, laakiin haddaan nahay Carab ma awoodno inaan xataa masraxyada soo bandhigno”.

Hadalkaasina waa dhab oo carab iyo cajam ma jiro dal islaam ah oo ilaa iyo haatan si dhab ah uga falceliyey xasuuqaas lagu haayo walaalaheyn, dalalka qaar xita ma aysan canbaareynin falkaasi argagaxa leh, halka eey dawlada koonfur Africa oo ah dawlad kirishtaan ah, afrikaan ah, xuduud, cirqi iyo diin midnaba la wadaagin falistiiniyiinta, inta eey istaagtay maxkamada adoonka eey dacwad ka dhan ah bani aadanimada kusoo oogtay Israa’iil.

Oo waa sababta uu u yiri Ömer Hayyam hadalkiisi aadka u cajiib ahaa kolka uu ka hadlaayey xaalada muslimiinta “gacana dhalo qamri ah, gacana kitaabka quraanka, xalaal eey ku dheh jirto xaaraan, aduunkaan wada qabyada ah muslimiin dhameystirana ma tihiin, gaalo dhameystirana ma tihiin”.

Xaqiiqada dhabta ah iyo arinkii xalay inuu ahaa mid lagu soo maleegay daaha gadaashiia  Alle SWT ayaa og, se inagu waxaan marqaati ka wadanahay sida arxan darada ah ee loo galaayo caruurta, haweenka iyo duqoowda reer falistiin, ee aan u wada duceeyno inuu Alle swt cadawga ka dulqaado.

Hadii aad u baahan tahay xog dheeri ah oo barnaamijkaan la xiriira fadlan Tixraacyada hoose ka aqriso.

Tixraac:-

https://www.quora.com/Is-Rupert-Murdoch-Jewish

https://www.youtube.com/watch?v=2dFUA44gXmk&t=54s

https://www.youtube.com/watch?v=vuwq0bhjq18

https://en.wikipedia.org/wiki/Rupert_Murdoch

https://www.aljazeera.com/news/2024/4/8/mexico-to-iran-why-are-attacks-on-embassies-so-controversial

https://apnews.com/article/iran-israel-attack-hamas-biden-8ffb1a81e6769bb1d27c849e6108da36



 

 


Post a Comment

0 Comments