Midab-tikoor, Cunusuriyad, Amaba Hayb-soocu waa Xagjirnimo ruuxeed oo eey badiba dadku ogeyn, waxaana laga helaa meel waliba oo uu aadanuhu ku nool yahay, qolo walibana waxeey aaminsan tahay ineey qolada kale ka sareeyso, amaba ugu yaraan eey wax uun dheertahay.
Isha Sawirka:Pew Research Center |
Hayb-soocu waa buro ku taalo taariikhda aadanaha, ilaa iyo maantana waa uu
jiraa haba loo isticmaalo habab kala duwan e, se waxeey ugu xumeed kolkii aragti
cilmiyeed laga dhigay takoorkii iyadoona loo bixiyey aragtidii Eugenics (Iyuujenekis),
waana aragtidii uu hitleeyr ku baneeystay daadinta dhiig fara badan, barnaamij
hore ayaana ka sameeyney aragtidaas ee fadlan qaybta hoose linkiga yaalo kasoo daawo.
Cunsurinimadu waxay ahaan kartaa mid ku saleysan Midab sida Madoow iyo cadaan, Diin "Muslim iyo Gaal", Luqad "Carab iyo Cajab", sidoo kale waxeey noqon kartaa mid ku saleeysan siyaasad oo waxaa dhacda mararka qaar dalkaaga dalalka cadawga ku ah inaad liido una aragto dal eey dadkiisu xoole yihiin xita hadii eey muslimiin yihiin qaar ka mid ah dadkiisa.
Aadanuhu sababta uu cunsuri u wada yahay ayaa ah inuu kolka hore jecel
yahay qoyskiisa, ka dib qaraabadiisa, Ka dib qabiilkiisa, ugu danbeyna Qarankiisa,
oo qaranka waxaa uu ka horeeysiiyaa qoyskiisa iyo qabiilkiisa, qarankiisana
waxa uu ka jecel yahay qaranada kale ee aduunka ka jira waayo aadanuhu waxa uu
had iyo jeer raadiyaa wax u eg waxa uu heysto sida qof ku luqad ah, Ku midab
ah, Ku diin ah, sidoo kale waxa uu raadiyaa had iyo jeer qof ku garab
istaagaayo waxa uu aaminsan yahay iyo inuu qofkaas iska dhex arki karo.
Taariikh ahaana qolo kolkeey xukun ku heshiiyaan, oo eey isku dano noqdaan
waxa eey la dagaali jireeyn qolada kale ee u dhow waliba iyagoo heyb soocaayo
si eey hanti badan iyo dhulal kheyraad badan ka buuxo u helaan, awoodoodana
eey u siyaado, waana sababta eey dawladihii waa weeynaa iyo ilbaxnimooyinkii
eey isku dagaali jireeyn.
Hadaba saaxiib, Si aan si qoto dheer ugu fahano macnaha dhabta ah ee Cunsuriyada,
waxaa qasab ah ugu horeyn inaan isla fahano erayada kala ah: racism:cunsuriyad,
discrimination ;takoorid, iyo waliba prejudice; Eex.
Eexashadu waa in
si xaqdaro ah oo cadaalad aheyn koox gaar ah u xukunno oo aan ka sameyno aragti
guud oo ku saabsan kooxdaas inagoona tix gelinayn kala duwanaashaha shaqsiyeed.
Waana sida inaga oo dhibic biyo ah kasoo qaadanay badda, deedna ku fikirnay
inaan naqaano wax waliba oo ku saabsan baddaas, amaba hal qof oo xun oo eeynu
baranay inaan ku xukunno dadka kale oo dhan, Tusaale ahaan xaliimo waxeey
baratay faarax lugo dahab, deedna kolka eey isku dhaceeyn waxeey u bixisay faarax
lugo baasto iyadoona raga oo dhan ku tilmaamtay ineey yihiin faarax lugo
baasta-yaal, hada ogoow raga oo dhan ma eeysan baranin xaliimo, ee faarax lugo
baastaheedii iyadoo ka eey xaneeyso ayeey ragii oo dhan sidiisa ka dhigtay.
Hadaba, Cunsuriyadu way ka duwan tahay eexashada, wayna ka mug balaaran
tahay oo eexashada ayaaba ah laan ka tirsan laamaha Cunsuriyada.
Xididka ugu weyn ee cunsuriyaddu waa in hal Jinsiyad eey rumeeysato in eey Jinsiyad
kale ama jinsiyadaha kale oo dhan si dabiici ah uga sareeyso.
Kaliya cunsuriyadu kuma xirno jinsi ee sidoo kale In qolo bulsho ahaan iyo
dhaqaalo ahaan ay ka sareeyso qolo kale, Misane eey liido qolodii eey ka
sareysay ayaaba cunsuriyad ah.
Dabcan, in kasta oo cunsuriyaddu ay mararka qaarkood muuqan karto, haddana
inta badan waa qarsoon tahay. Waxayna ku dhuumataa gudaha hoose ee ruuxdayna, Waxayna
sugaysaa wax kiciyo iyo marxalad ku haboon soo bixideeda. Tanina waa meesha
dhibaatada dhabta ah ay ka jirto, oo in badan oo naga mid ah ma dareemaan ineey
cunsuriyiin yihiin kol walibana waxeey isku heeystaan ineey ka saxan yihiin dadka
kale.
Isha Sawirka:Mikhail Nilov |
Sannadkii 2007, khabiir ku takhasusay cilmi-nafsiga bulshada oo lagu
magacaabo Joshua Correll ka tirsana khubarada Jaamacadda
Colorado ayaa sameeyay daraasad uu ku eegayo xaaladaha ay ku soo muuqan
karaan cunsuriyadaha Qarsoon.
Daraasadu waxeeyd aheey video gaming, waxaana la eegayey midabka iyo
jinsiyada saameeynta eey ku leedahay go’aan qaadashada qofka, iyadoona Ka qayb
galayaasha daraasadana oo kala ahaa madoow iyo cadaan mareekan ah lagu wada amray
ineey toogtaan dadka hubeysan oo aaynan toogan dadka aan hubeysneyn. Se arinka
layaabka leh ayaa ah in natiijadii cilmi baarista eey noqotay in ka qayb
galayaasha cadaanka ah eey si dhaqsi badan u tooganayeeyn kuwa madoowga ah ee
hubeysan markii loo fiirsho kuwa cadaanka ah ee iyagana hubeysan, mararka
qaarna waxaa dhaceysay ineey toogtaan kuwa madoow ah oo aanan hubeysneyn iyagoo
kuwa hubeysan ee cadaanka ahna eeynan tooganeyn.
Waxaa taa ka sii daran in ka qaybgalayaasha jinsigoodu cadaan ama madoow
yahay aanay bedeleen natiijada, oo qofka cad sida uu u boobsiinaayo toogashada
qofka madoow ayaa qofka madoow isagane u tooganaayey walibo si dhaqsi badan
qofka kale ee madoowga ah.
Waxaa arintaa ka sii yaab badan, waraysiyo laga qaaday ciyaarta ka hor ka
qaybgalayaasha daraasada, ayaa si adag uga soo wada horjeesteen fikradda qaldan
ee lagu xidhiidhinayo ragga madow ee hubeysan, iyagoona sheegay raga madoow ee
hubeysan ineysan ka halis badneyn kuwa cad ee hubeysan oo eey isku wada mid
yihiin, haddana natiijadu waxay ka hor imaatay waxay aaminsan yihiin.
Arrinta xiisaha gaarka ah usii yeeleyso daraasada ayaa ah in ka
qaybgalayaashu qaar ka mid ah ay ahaayeen saraakiil booliis ah. Si ka soo
horjeeda filashooyinka, saraakiisha booliisku waxay muujiyeen iska caabin badan
oo ka dhan ah eexdii loo soo jeedin jiray ee aheyd ineey cadaanka mareekanka ah
eey ka jecel yihiin madoowga mareekanka ah. Dadka toogtay ragga madow ee aan
hubaysnayn waxay u badnaayeen dad rayid ah oo markii gacanta loo galiyey awood,
kuwii aanan awood laheyn ee shicibka ahaa, kama aynan daalin inay waxyeeleeyaan
qof aan waxba galabsan. Haa, waxay ahayd ciyaar uun, laakiin waxay soo
bandhigtay aragti qoto dheer oo ku saabsan arrimo qoto dheer iyo eexooyin laga
yaabo inay jiri karaan.
İnkastoo eexashadu u muuqato dhibaato la’aan bulshada dhexdeeda hadane
waxeey ku xiran tahay qofka laga eexanaayo waxa uu ka aaminsan yahay naftiisa, oo
qof kalsoonidiisu buuxdo hadii uu yahay ilaa xad waa uu iska indha tiri karaa
eexdaas lagu haayo, waana sababta had iyo jeer dhiiri-galiyaashu u yiraahdaan
ku kalsoonaaw naftaada.
Halka Midab-Takoorku uu yahay wax caalamka oo dhan laga dhaqan
galiyey oo meel waliba ka jira, se midab-takoorka ugu caansan waa midka lagu
haayo dadka Afrikaanta ah ilaa maskaxda aadanaha oo dhan laga dhaadhiciyey in
qofka afrikaanka ah oo uu ka liito dadka kale ee dunida ku nool, xita inaga oo
afrikaan ah hadii aan aragno nin madoow, oo murqo weeyn misane xoogan durbaba
waxaa caqligeeyna kusoo dagdagaayo Adoonsi, waana sababta soomaalida Kenya ku
nool eey dadka keenyaatiga ugu yeeraan Adoomeey, hada waa dadkii eey dalkooda
ku noolaayeen misane la rabay ineey si wanaag iyo ixtiraam leh ula dhaqmaan si
eey ugu yeeraan diinta islaamka, oo dacwadooda uga gutaan, ayeey waxeey ugu
yeeraan naaneystaas aadka u xun. Xita soomaalida dhexdeeda waxaa sii idlaanaayo
midabkii lagu yaqaanay gabdhaheena ee ahaa maariinkii ifaayey sababtuna waa
ineey ragu liideeyn haweenka leh midabka madoow, taana waxaa ka dhashay in
dumarkii jirkoodii ee murxiyeen, iyagoo raadinaayo qancinta ragii Soomaaliyeed.
Habada aynu ka jwaabno su’aasha ah maxeey u jirtaa Cunsuriyada?
Waxaa jira aragti lagu magacaabo Frustration-Aggression Theory (Aragtida
Jahwareerka-Gardarrada), waa fikrad nafsiyeed qofka ku dhalata hadii uu gaari
waayo yool uu lahaa, deedna qofku waxa uu bilaabayaa inuu wax waliba ka xanaaqo
asxaabtiisa, ehelkiisa iyo wax waliba oo u dhow, Tusaale ahaan labo qof markeey
is dagaalayaan hadii uu qof kala celiyo soo dhex galo, 2da qofood mid ka mid ah
waxa uu feer la dhacayaa qofka kala celinaayo, xumaan kama ahan oo xita markii
la heshiisiiyo ayuu u tagayaa oo uu raali galinayaa qofkii uu sida qaldan u
feeray waayo kolkaasi waxa uu ku jiray xaalad uuna kontorooli karin naftiisa.
Sidoo kale kolkeey koox gaari waayaan yool eey la haayeen waxeey
canbaareeyaan eedana dusha kaga tuuraan koox kale, waana hab eey ku difaacayaan
naftooda iyagoo diidaayo danbiga ineey qaataan, waxaa macquul ah kooxda wax
eedeyneysa iyo kooxda la eedeeynaayaba ineysan qaladka laheyn se khaladku uu
yahay nidaamka eey ku shaqeeynayaan, maadaama nidaamka lagu shaqeeynaayo ineey
wax ka badalaan uu aad u adag yahay waxaa u fudud labada kooxoodba ineey eedo
dusha iskala dhacaan.
Dabcan, darawalka aasaasiga ah ee habdhaqankan waa dhaqaale. Dad badan,
ilaa inta ay noloshooda sii wadi karaan, waxay ka fogaadaan inay ku lug
yeeshaan waxa hareerahooda ka dhacaya, se maalinteey istaagto noloshooda
kolkiiba waxeey bilaabayaan waxa hareeraha ka dhacaayo ineey ku milmaan.
Aragti kale oo arrintan la xidhiidha waxa soo jeediyay aqoonyahanka cilmiga bulshada ee Jarmalka Theodor Adorno 1950-kii. Adorno wuxuu si gaar ah isku dayay inuu fahmo kororka faashiistaha iyo Yuhuud nacaybka ee Jarmalka ka hor iyo ka dib Dagaalkii Labaad ee Adduunka.
Adorno waxa
uu diiradda saarayay saamaynta kali-taliska iyo aragtiyihiisa guracan. Si gaar
ah, waxa uu isku dayay in uu sharaxo dadka u janjeera in ay raacaan
hogaamiyayaasha awooda leh ee had iyo jeer balan qaada in ay dejinayaan nidaam
iyagoo ilaalinaayo dhaqamada, misane ku xoojinaya aragtidooda xaaladaha kolkaa
jira.
Sida laga soo xigtay Adorno, shakhsiyaadka kali-taliska ah ama kuwa raacsan
waxay ku qiimeeyaan bulshada si kala sareyn ah, waxeeyna liidaan kuwa danyarta
ah iyagoo madaxa saarta kuwa hantiilayaasha ah.
Hadaba aragtidan iyo aragtidii Jahwareerka-Gardarrada labaduba waxeey
cadeeynayaan jiritaanka eexasho ku saleeysan dano gaar ah ee qolo waliba eey
leedahay.
Waxaa jirta aragti kale oo sadaxaad misane qayb weeyn ka qaadata
Cunsurinimada iyo Takoorka, waana aragtida Dhaqanka.
Aragtida dhaqameedku waxay soo jeedinaysaa in dabeecadda qofka ay saameeyn
toos ah ku leedahay dhaqanka bulshada uu ku dhex nool yahay, oo qofkii bulsho
qalafsan kusoo dhex koraa, waxa uu noqdaa qof qalafsan, dhaqan kastaana ilaa
xad waxa uu leeyahay eexooyin bulshada dhexdeeda ah, Sidaa darteed, waxeeynu
oran karnaa qof walba oo bulshada ka mid ah xoogaa waa cunsuri ah, in kastoo
darajada cunsurinimadayna eey kala sareeyso.
Sidoo kale waxaa jira haatan hanaan dunida hormartay laga isticmaali misane
loo yaqaano “Pluralism”, waana hanaan ogolaanaayo ineey kala duwanaasho
ka jirto bulshada dhexdeeda, qof walibana uu xaq leeyahay helista waxa uu
heesto qofka kale ee asaagiisa ah, se dhab ahaantii hanaankaan waa mid warqad
ku qoran misane afka uun laga sheego se aanan jirin qalbiyada dadka.
Tusaale ahaan dalka mareekanka 90% ardaydiisa waa madoow, 25% kamid ahna
waxeey aadaan iskuulo aanan laheyn agabyo hormarsan, kolkii loo fiiriyo
iskuulada eey dhigtaan cadaanka, hadii si sax ah loo raaco nidaamka pluralismka
ardaydaan madoowga ah waxeey xaq u leeyihiin ineey helaan waxa eey helaan
ardayda cadaanka ah se nasiib daro wali waxaa qalbiyada mareekanka ku duugaan Cunsuriyad.
Tixraac:
https://www.youtube.com/watch?v=Jcsdaie9agA&t=1s
https://www.apa.org/topics/racism-bias-discrimination
0 Comments