𝐒𝐢𝐝𝐞𝐞 𝐁𝐚𝐧𝐤𝐢𝐠𝐚 𝐀𝐝𝐮𝐮𝐧𝐤𝐚 𝐮 𝐛𝐮𝐫𝐛𝐮𝐫𝐢𝐲𝐚𝐚 𝐃𝐚𝐰𝐥𝐚𝐝𝐚𝐡𝐚?

  John perkin waxa uu ka  shaqeeyn jiray mid ahaa shirkadaha ka faaideysto baahiyaha dalalka soo korayo, isaga iyo Kooxdiisa waxeey beegsan jireeyn wadamada leh shidaalka, iyagoona usoo bandhigaayey ineey u dhisayaan mashaariic waaweeyn sida Tamarta qoraxda laga dhaliyo, wadooyin, iyo warshadaba, waxeey ka dhaadhicin jireyn dalalka dan yarta ah ineey lacag kasoo soo deeynsadaan sanduuqa lacagta Aduunka amaba bankiga Aduunka, se lacagtii la soo deeymiyey kuma dhaceynin bankiga dalka deeynta lagu qoraayo ee waxeey ku dhaceysay kooxdaan scammerska ah bankiyadooda, deedna waxeey qaadanayaan lacagta ugu badan, dalkiina waxeey dhex fariisinayaan deeyn fara badan, mashruucii eey dhiseeyna kaliya waxaa ka faaidaayo madaxda dalkaasi, ugu danbeyna dalkaasi waxa ay ku qasbayaan inuu qayraadkiisa qiimo jaban uga iibiyo shirkadahii deeynta ku lahaa.

Isha Sawirka:Anadolu Ajansi
    Ka dib kolkii uu dhamaaday dagaalkii 2aad ee aduunka waxaa shir ka dhacay magaalada Bretton woods, oo ka tirsan ismaamulka New Hampshire, ee dalka Mareekanka  isugu yimid quwadihii ku guuleystay dagaalka si eey u dhisaan nidaam dhaqaale oo cusub, loona soo af-jaro dagaalada iyo niyad jabka caalamka, waxaana shirkaasi kasoo qayb galay 730 ergo oo ka kala socday 44-tii waddan ee isbahaysiga ahaa, shirkaani waxa uu socday 1dii july ilaa 22 july 1944-Kii Miilaadiga, ugu danbeyna, waxeey isku wada afgarteeyn xubnahii ka socday 44ta wadan, ineey sameeyaan kursi leh 3 lugood, Misane uunan ka maarmin caalamka oo dhan inuu ku fariisto, waxaana lugta 1aad ee kursiga laga dhigay:-

1-        Sanduuqa lacagta Aduunka (International Monetary Fund (IMF)), waxaana gudaha shirka lagu shaaciyey in IMF eey xasilin doonto dhibaatooyinka dhaqaale ee ka jira caalamka iyadoona deeyn siin doonto wadamadii u baahdo, deedna deeyntii dib uga qaadan doonto kolkii eey lacagtaasi ku shaqeeystaan, kuna faa'idaan, sidoo kalena waxeey ka caawin doontaa wadamada sida loo dhiso hanaanka dhaqaale loolana socdo isbadalada dhaqaale ee caalamka ka socdaa.

2-      Lugta 2aad ee kursigana waxaa laga dhigay Bangiga Caalamiga ah ee dib u dhiska iyo horumarinta, oo kolkii danbe loo bixiyey Bankiga Adduunka (World Bank), u jeedada loo aasaasay ee shirka laga shaaciyeyna waxeey aheyd, inuu hoos u dhigi doono Faqriga iyo Macluusha isagoo caawimaad siin doono wadamada daqligoodu uu aadka u hooseeyo, uuna u abuuri doono dhalin yarada shaqooyin eey ku maareeyaan noloshooda.

3-      Lugta 3aad ee kursigana waxaa laga dhigay ururka ganacsiga aduunka loona soo gaabiyo WTO (world trade organization), oo isagana u jeedadiisu aheyd dhiirigalinta ganacsiga aduunka isagoona ahaan doono qol maxkamadeedka lagu xaliyo wadamada uu khilaaf ganacsiyadeed soo kala dhex galo.

ilaa iyo haatan wax qaldan ma jiraan oo arintu waxeey aheyd si uu aduunka oo dhanba uu wada faa'iidi karo laguna wada noolaan karo barwaaqo iyo baraaro se waxeey balaayada oo dhan bilaabatay kolkii hoosta laga xariiqay lays-kuna af-gartay in lacagta la wada isticmaali doono si loo gato dahab eey noqoto dollarka, oo wadan waliba si uu u helo dahab waa inuu lacagtiisa kolka hore u sarifaa dollar deedna uu dollarkaasi ku gataa dahabka uu rabo, waxaana shirka lagu go’aamiyey in 1kii wiqiyadood ee dahabka ah eey u dhiganto 35$.

Aduunka oo dhan waxa uu noqday mid ku jira xasilooni dhaqaalo ilaa uu ka dhacay dagaalkii Mareekanka iyo Vietnam 1954kii, deedna Mareekanka waxaa soo wajahay xasilooni daro dhaqaaleed oo wadan waliba waxa uu u orday sida uu lacagta dollarka ah ee jaabkiisa ku jirto isaga bixin lahaa isagoona qaadanaayo dahabkii ku jiray keydka Mareekanka, Mareekankiina waxaa ku baryey waaga oo waxa uu dareemay in lacagtiisu qiima beeleyso keeydkii dahabka uu heystayna uu hoos u dhacayo, deedna 1971kii Madax weyne Nixon waxa uu ku dhawaaqay hadal qalqal galiyey caalamka oo dhan oo ahaa in aanan dollarka si ku meel gaar ah loogu badali doonin Dahabka.

Waxa uuna hadalkiisa raaciyey in lasii yara isticmaali doono hanaanka loo yaqaano (Fiat currency), oo ah in warqada dollarka, Yuurooda amaba xita shiling soomaaliga ah ay nafteedu qiimo leedahay oo uma baahnid inaad dahab ama qalin aad ku badalato lacagtaada deedna aad badeeco kusii gadato dahabkii, se lacagtaada ayaad si toos ah wax ugu gadan kartaa waana hanaanka aaynu isticmaalno ilaa iyo haatan. iyadoona dadka oo dhan laga wada dhaadhiciyey ineey 2-daan waraaqadood midna afka la isaga tiro midna jaabka danbe lagu qarsado, oo eey qiimo leedahay.

Hadaba hadii la buriyey mid ka mid ah qodobadii shirkii Bretton woods ee ahaa in dahabka iyo dollarka la isku badasho, waxaa daaqada ka baxay u jeedooyinkii dhabta ahaa ee loo aasaasay sanduuqa lacagta iyo Bankiga Adduunka, se arinkaasi dadka looma sheegin ee waxaa looga dhigay ineey wali la dagaalamayaan faqriga iyo burburka caalamka hase ahaate xaqiiqada ayaaba ah ineey iyagu yihiin kuwa sababo faqriga caalamka oo dhan si aan arintaan u wada fahana bal eeynu si wada jir ah u aadno dalka Arjatiin.

Dalka Arjatiin waa dal dhaca qaarada koonfur Ameerika, waxa uuna xuduud la leeyahay shanta dal ee kala ah Boliifiya, Baraaziil, jili, parugway iyo urugway, waana dalka 8aad ee ugu baaxada weeyn caalamka, waa dal leh dhul ku haboon beerashada, wabiyo iyo keymo aad u waaweeyn.

Biloowgii qarnigii 20aad dalkani waxa uu kamid ahaa 10 dal ee ugu dhaqaalaha badan Aduunka, waxa uuna la sinaa dhaqaalo ahaan kanada iyo Austareeliya (Australia), isagoona ka dhaqaalo badnaa Faransiiska iyo Talyaaniga, Kolkii uu dunida ka qarxay dagaalkii 1aad ee Aduunka taariikhduna ay aheyd 1914-Miilaadiga, Dalka Arjatiin waxa uu ahaa mid ka mid ah wadamadii marti galinaayey qaxootiga laatin Ameerika

Waayuhu waxa uu isguraba, 1966- ilaa 1973kii, dalkaani waxa uu galay khilaaf siyaasadeed iyo mid bulsheed oo aad u qoto dheer intii lagu jiray "Kacaankii Arjatiin", iyadoona ugu danbeyn xukunkii eey la wareegeyn militaryga dalka, waxaana goobtii tagay boorsaweeynta  sanduuqa lacagta iyo Bankiga Adduunka, waxeeyna xukuumadii kula taliyeen in eey deeyn ku caawinayaan si uu usoo noqdo dhaqaaalaha dalka maadaama uu burbur dagaaleed haatan kasoo baxay, madaxdii arjatiina waa eey soo dhaweeyeen waxeeyna cagta saareeyn wadadii habaarka iyo halaaga, oo 1999kii waxaa lagu yeeshay dalkani lacag dhan 114 bilyan oo dollar, waxaa markale yimid bankiga aduunka isagoona ku qanciyey madaxweeynihii arjatiin inuu deeyn kale qaato si uu hal mar isaga wada gudo deeymaha, se 1 sano gudahood deeyntii lagu lahaa arjatiin oo  aheyd 114 bilyan oo dollar, ayaa isku badashay 147 bilyan oo dollar.

100 sano ka hor dowladii ka midka aheyd 10 wadan ee ugu dhaqaalaha badan caalamka waxay  sanduuqa lacagta Aduunka iyo bankiga Aduunkaba ka dhigeeyn  mid  ka mid ah wadamada ugu deeynta badan caalamka. Haatan oo aan maqaalkaan qorayana deeynta dalkaani lagu leeyahay waxeey kor u dhaafeysaa $ 400 bilyan oo dollar, 110 bilyan oo ka mid ah lacagtaasna waxaa ku leh sanduuqa lacagta Aduunka (International Monetary Fund; IMF), halka inta soo hartana eey ku leeyihiin shirkado gaar loo leeyahay.

Si uu dalkaani deeytaasi lagu leeyahay uwada bixiyana waxa uu u baahan yahay in 100 sano oo hada dhiman uu sanad waliba bixiyo deyn dhan bilyan oo dollar.

Sidoo kale sanduuqa lacagta Adduunka iyo Bankiga Adduunka, dalalka eey deeymaha ku qarqiyeen waxaa ka mid ah Dalka lubnaan oo lagu naaneysi jiray Iswiisarlanka reer Bari oo haatan waxaa lagu leeyahay  lacag deeymeed dhan 103.54 bilyan  oo dollar,

Qaarada Afrikana wadanka ugu daran ee ku dhacay dabinka gumeeysiga casriga ayaa ah dalka Gaana waxaana lagu leeyahay haatan, deeyn dhan 328.6 bilyan  oo dollar.

Hadaba John perkin oo ah qoraaga buuga “Confessions of an Economic Hitman” horayna ula soo shaqeeyey ururo caalami ah kuna sheegan ineey ka shaqeeyaan hormarinta dhaqaalaha aduunka, se ujeedadoodu yahay qaameynta wadamada soo koraayo iyo ku ridida sanduuq dabin deeymeedka aduunka, ayaa sheegay in shirkado badan oo eey ka mid yihiin bankiga aduunka iyo IMF ineey dalalka soo koraayo eey arin xal la mood ah u soo bandhigaan deedna eey galinayaan badweeyn deeyn ah oo eeynan waligood ka bixin kareeyn, dabadeedna waxeey usoo bandhigayaan ineey deenta lagu leeyahay iska bixiyaan hadii eey iska bixin waayaana qayraadka dalkaasi sida shidaalka iyo macdinta ayeey lacag raqiis ah ku gaadanayaan, deedna waxeey lacag aad u badan uga sii gadanayaan caalamka kale.

Se arinka ugu yaabka badan ee uu sheegay John perkin, ayaa ah in madaxda dalkaasi kolka eey deenta soo qaadayaan eey wax waliba ogyihiin, se kaliya waxeey fiirsanayaan danahooda gaarka ah iyagoona dhex tiimbinaayo dalkii badweeynta gumeysiga casriga ee deynta. 


https://www.cadtm.org/The-debt-trap

https://www.un.org/africarenewal/web-features/africa-has-%E2%80%9Cwindow-opportunity%E2%80%9D-avoid-new-debt-trap

https://en.wikipedia.org/wiki/Economic_history_of_Argentina

https://www.mevzuatdergisi.com/2004/05a/04.htm

https://en.wikipedia.org/wiki/Bretton_Woods_Conference#:~:text=The%20Bretton%20Woods%20Conference%2C%20formally,and%20financial%20order%20after%20the

https://geopoliticaleconomy.com/2022/12/18/argentina-neocolonial-debt-history/

https://www.reuters.com/markets/argentinas-400-bln-debt-bomb-threatens-default-number-10-2023-12-13/#:~:text=The%20country's%20total%20sovereign%20debt,restructured%2C%20privately%2Dheld%20eurobonds.

https://www.britannica.com/place/Argentina

https://www.youtube.com/watch?v=-6bVeDab6UA

https://www.youtube.com/watch?v=hZHLGrV8Fvo&t=490s

https://www.youtube.com/watch?v=mPuYkPLLKlM

Post a Comment

0 Comments